KAABE Fellowship Program

Ma tahay weriye?
Ma tahay sheeko sameeye ama barnaamij soo saare?
Ma ka howlgashaa Puntland?
KAABE Fellowship Program waa barnaamij ay daahfurtay hey’adda WIMISOM oo lagu taageerayo weriyayaasha si ay u soo saaraan sheekooyin iyo barnaamijyo muuqaal ah oo wacyigelin ah, kuna saabsan: xuquuqaha dastuuriga ah, Dimoqraadiyaadda iyo doorashooyinka, Dowlad-wanaagga, iyo maamul-baahinta Puntland.
WIMISOM waxay bixinaysa taageero lacageed oo lagu soo saarayo barnaamijyada, Dufcadda koowaad (Cohort 1) ee barnaamijka KAABE wuxuu u furan yahay dhammaan weriyayaasha ka howlgala Puntland, waxaana loo galayaa tartan furan oo ay qiimayn doonaan guddi khuburo ah oo madax-bannaan.
Tartamayaasha waxaa lagu qiimayn doonaa aqoontooda iyo khibradooda sheeko-samaynta iyo barnaamij soo saaridda, qorshaha barnaamijka “script-ka” ay soo gudbiyaan, mowduuca sheekada, hal-abuurka, iyo dhinacyada ay ka geli doonaan sheeko samaynta. (Angles of storytelling).
Waxaa taageerada loo sameynayaa saddexda (3) qof ee hela dhibcaha ugu badan ee qiimaynta guddiga.
Sheekooyinku waxa ay ku saabsanaanayaan wacyigelinta iyo kor u qaadidda fahamka bulshada ee xuquuqaha dastuuriga ah, Dimoqraadiyaadda iyo doorashooyinka, Dowlad-wanaagga, iyo maamul-baahinta Puntland.
Shuruudaha looga baahanyahay qofka soo codsanaya taageerada barnaamij samaynta waa sidan:

  1. In uu yahay weriye ka holwgala Puntland.
  2. In uu khibrad u leeyahay samaynta iyo soo saarista sheekooyinka, oo uu horay u soo saaray barnaamijyo noocaan ah.
  3. In uu soo gudbiyo codsi taageero barnaamij samaynta, (cover letter) oo uu ay ka muuqdaan:
    • taariikh nololeed kooban oo aan ka badnayn hal page (CV);
    • mowduuca barnaamijka;
    • lingaxa (link) hal barnaamij oo muuqaal ah oo uu horay u sameeyay codsaduhu; iyo
    • lingaxa (link) warbaahinta uu ku baahinayo barnaamijka haddii uu guulaysto oo uu barnaamijka soo saaro
  4. In uu soo gudbiyo qorshaha barnaamijka (script-ga) oo faahfaahsan.
  5. Waa in barnaamijka uu qofku qorshaynayo uusan ka badnayn 15 daqiiqo.
  6. Waa in uusan barnaamijka horay u samayn weriyuhu.
  7. Labadan dokumenti (codsiga, iyo script) waxaa lagu soo dirayaa emailka: [email protected]
  8. Codsigi waa in uu soo gudbiyaa ka hor 31da October-2024, saacadda 11:59 pm