Waxa ay ku dhalatay Muqdisho oo ay ku qaadatay caruurnimadeedi inta badneyd, balse waayuhu uma saamixin inay kusii negaato magaaladeedii, oo qaxii iyo burburkii wuxuu gayaysiiyey inay ka mid noqoto kumannaanka Shacabka Soomaaliyeed ah ee naftooda la cararay una kala qaxay dunida daafaheeda. 1991 dii ayay ka tagtay dalka, xiligaas oo ay gabar dhallinyaro ah ahayd, waxay tagtay oo qaxooti ku noqtoday xerayaha qaxootiga ee dalka Kenya, waxa ay halkaas joogtey 7 sano oo ay ku noolayd nolol qaxootinnimo oo adag. Waxa ay nasiib u heshay inay todoba sano kadib ka baxdo dalka Kenya iyo xeradii qaxootiga oo ay u hayaanto qaaradda Yurub, oo ay ugu dambayn sal dhigatay waddanka Holland.
Nolol cusub ayay halkaas ka bilowday, waxa ay sii wadatay waxbarashadeedi, waxa ay baratay cilmiga qurxinta maqaarka, iyadoo ka faa’iidaysanaysa aqoontaas ay baratay oo aad ugu yar haweenka Soomaaliyeed, waxa ay go’aansatay inay ku shaqayso cilmigeedi iyada oo joogta waddanka Holland.
Haweenayda aynu ka hadlayno oo sheekadaani khusayso waa Warsan Cabdullahi Yusuf, qurbe joog iyada iyo qoyskeeduba dalka dib ugu soo laabteen muddo kadib, kana qayb qaadatay wax soo saarka dalka. Warsan waxay deggan tahay oo ay ganacsi ka abuurtay magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, waana mulkiilaha shirkad la yiraahdo WARSAN IYO WAXSAN oo soo saarta agabka la isku qurxiyo. “Markaygii horeba waxaan ahaa qof furfuran oo ku wanaagsan la shaqaynta iyo dhex-galka bulshada, sidaas darteed ayaan u go’aansaday inaan barto cilmigaan si aan bulsho badan oo kale ugu sii dhowaado gaar ahaan haweenka” ayay tiri Warsan Cabdullahi.
Markii ay dhammaysay waxbarashadeedi, 2018kii ayay dalka dib ugu soo laabatay. Warsan waxaa ku dhalatay fikrad ah inay abuurto ganacsi wax soo saar ah oo aad ugu yar bulshada ay ka dhalatay ee Soomaaliyeed. Ganacsigaas oo hadda meel fiican maraya. “Cidna taageero kama helin, bangiyada lacagaha bixiya ama hay’adaha dadka taageeraba, fikraddaan anigaa meel aad u hoosaysa ka bilaabay, waxaanna aaminsahay inay tahay mid kobcaysa” Warsan ayaa sidaas tiri oo ka hadlaysay cidda ku gacan siiyey hal-abuurkeeda ganacsi.
Haddaba si ay uga hirgeliso hal-abuurkeeda waddanka, markii hore Warsan waxa ay furatay dukaan yar oo ay ku iibiso agabka la isku qurxiyo oo ah agab u badan kuwa gacanta ay ku samayso iyada oo gurigeeda joogta. Ganacsiga wax soo saar ee shirkadda Warsan iyo Waxsan, maalinba maalinta ka dambaysa wuxuus samaynayay koboc, hadda wuxuu marayaa laba dukaan waxaana ka howlgala dhallinyaro dhowr ah.
Kuma badna degaanka ay Warsan fikirkan ka hirgelisey shirkado si gaar ah usoo saara wax soo saarka noocan ah, dalkana ka sameeya agab la isku qurxiyo, iyadoo deegaankan uu yahay maamul goboleedka Puntland ee dhaca dhinaca waqooyi bari ee dalka Soomaaliya, asal ahaan magacaas maamulku wato waxaa uu la micne yahay “Udug”, waxaa ka baxa degaankan geedaha beeyada iyo maydiga oo ah geedo laga sameeyo waxyaabaha la isku carfiyo, iyo saliido dabiici ah kuwaas oo inta badan loo iib geeyo waddama khaliijka carabta.
“Geedka fooxa oo ah geed aan inbadan lagu baraarugsanayn faa’iidada uu maqaarka u leeyahay waxa aan ka sameeyaa wax soo saar ay ka mid tahay saliid, kareemo jirka la mariyo oo raga iyo dumarkuba isticmaalaan” Warsan ayaa sidaas sheegtay. Marka laga yimaado wax soo saarka dalka ee ay agabka la isku qurxiyo ka samayso, Warsan waxay sidoo kale farsamaysaa saliidda laga sameeyo geedka Shanfaxda (Flaxseed Oil), saliidda lowska, wax soo saarka huruudda iyo qajaarka oo haweenku isticmaalaan dhaqan ahaan iyo wax soo saar kale oo waxyaabaha laga sameeyo ay ka keento dalka dibaddiisa.
Hal-abuur walba oo la bilaabayo wuxuu wataa caqabadihiisa iyo fursahiisa, Warsan markay go’aansatay inay hawshaan gasho wax soo saarkeeduba markiiba ma dhaqaaqin, waxay la kulantay caqabado, oo inta badan dadka deegaanku ma aaminsana in deegaanka laga soo saari karo saliido iyo kareemo la isticmaalo iyaga oo tayo ahaan u saluugaya, oo waxa ay doorbidaan badeecadaha baakadaysan oo dalka dibadiisa laga keeno inay ka tayo fiican yihiin kuwa dalka lagu sameeyo.
Caqadahaas waxa ay sababeen in ganacsigu sannakii ugu horreeyey is bixin waayo, ma awoodin Warsan inay hesho qof la shaqeeya, sidaas darteedna keligeed ayaa alaabta soo saari jirtey, dukaankana ku iibin jirtey “Iima fududeyn inaan shaqaalaysiiyo dad ila shaqeeya, sababta oo ah uma hayn mushaar, keligey ayaa hawsha oo dhan isku wadey sannadkii ugu horreeyey, marna isma dhiibin ee waa aan u dhabar adaygay duruufihii jirey oo waxaan aaminsanaa inaan guulaysanayo ugu dambeyn” ayay tiri.
“Sannadkii labaad ayaan hal qof shaqaalaysiiyey, sannadadii ku xigey sidoo kale shaqaale cusub ayaan qaadannay maaddaama ganacsigu koboc samaysay, sidaas daraadeed hadda waxaa kaga shaqaynaa ganacsiga afar qof oo aan anigu ku jiro, waxaan ka hawl galnaa labada magaalo ee Boosaaso iyo Qardho” ayay tiri warsan oo hadalkeeda sii wadday.
Warsan intaas kuma joogsan, waxaa ay heshiis kula jirtaa shirkad samaysa agabka la isku qurxiyo, sida kareemadda, saliidaha qaar iyo nafaqooyinka timaha, kuwa wajigaa iyo kuwo maqaarkaba, badeecadahaan waxaa loogu sameeyaa magaca goobteeda ganacsi, “Shirkad dalka dibaddiisa ku taalla ayaan heshiis kula galay in ay magaca shirkaddayda wax ku soo saarto, sidoo kale, waxaan keenaa alaabooyin ka dibna aniga ayaa baakadeeya oo sidaas ku qaybiya, tan saddexaad waxaan dalka gudihiisa ku sameeyaa wax soo saar aan ka sameeyey dhirta uduga ee dalka”.
Fikir iyo hal-abuur walba oo la sameeyo wuxuu leeyahay ujeeddo iyo meel uu doonayo inuu gaaro, Warsan oo xilligan mukiile ka ah shirkadda iyo ganacsiga, hadafkeedu waa in ay ballaariso wax soo saarkeeda, shirkaddeeduna ay gaarto guud ahaan Soomaaliya iyo weliba Geeska Africa. “Waxaan rabaa inaan qayb ka qaato kor u qaadidda dhaqaalaha dalka, waxa aan doonayaa in aan noqdo shirkad soo saarta agabka udugga iyo isqurxinta, sidoo kalena wax soo saarkeeda dalku saldhig u yahay, tani waxay wax ka taraysaa shaqo abuurka dhallinyarada iyo kordhinta dakhliga dalka” sidaas ayay warsan hadalkeeda kusoo gaba gabaysay.
Warsan waxay tusaale ka tahay haweenka Soomaaliyeed oo geed dheer iyo geed gaaban u fuulay waxtarka qoyskooda, bulshadooda iyo dalkooda.