Ma tahay weriye?
Ma tahay sheeko sameeye ama barnaamij soo saare?
Ma ka howlgashaa Puntland?
KAABE Fellowship Program waa barnaamij ay daahfurtay hey’adda WIMISOM oo lagu taageerayo weriyayaasha si ay u soo saaraan sheekooyin iyo barnaamijyo wacyigelin ah oo ku saabsan: xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta, dimoqraadiyaadda iyo doorashooyinka, dowlad-wanaagga, iyo maamul-baahinta Puntland.
WIMISOM waxay bixinaysa taageero lacageed oo lagu soo saarayo barnaamijyada, Dufcadda labaad (Cohort 2) ee barnaamijka KAABE wuxuu u furan yahay dhammaan weriyayaasha ka howlgala Puntland, waxaana loo galayaa tartan furan oo ay qiimayn doonaan guddi khuburo ah oo madax-bannaan.
Tartamayaasha waxaa lagu qiimayn doonaa aqoontooda iyo khibraddooda sheeko-samaynta iyo barnaamij soo saaridda, qorshaha barnaamijka “script-ka” ay soo gudbiyaan, mowduuca sheekada, hal-abuurka, iyo dhinacyada ay ka geli doonaan sheeko samaynta. (Angles of storytelling).
Waxaa taageerada loo sameynayaa saddexda (3) qof ee hela dhibcaha ugu badan ee qiimaynta guddiga.
Sheekooyinku waxa ay ku saabsanaanayaan wacyigelinta iyo kor u qaadidda fahamka bulshada ee xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta, dimoqraadiyaadda iyo doorashooyinka, dowlad-wanaagga, iyo maamul-baahinta Puntland.
Shuruudaha looga baahanyahay qofka soo codsanaya taageeradal barnaamij samaynta waa sidan:
- In uu yahay weriye ka holwgala Puntland.
- In uu khibrad u leeyahay samaynta iyo soo saarista sheekooyinka, oo u horay u soo saaray barnaamijyo noocan ah
- In uu soo gudbiyo codsi taageero barnaamij samaynta, (cover letter) oo uu ay ka muuqdaan:
- taariikh nololeed kooban oo aan ka badnayn hal page (CV);
- mowduuca barnaamijka;lingaxa (link) hal barnaamij oo muuqaal ah oo uu horay u sameeyay codsaduhu; iyo
- lingaxa (link) warbaahinta uu ku baahin doono barnaamijka hadii uu guulaysto oo uu barnaamijku soo saaro
- In uu soo gudbiyo qorshaha barnaamijka (SCRIPt-ga) oo faahfaahsan, ayna si cad uga muuqato ciwaanka barnaamijka, qaabdhismeedka sheekada, qorshaynta waqtiga, dadka ka soo muuqanaya barnaamijka, iyo muuqaalada kala duwan (scenes), ee qaybta ka noqonaya barnaamijka.
- Waa in barnaamijka uu qofku qorshaynayo uusan ka badnayn 15 daqiiqo
- Waa in barnaamijka uu ku tartamayo weriyuhu uusan horay u samayn
Dhammaan dokumentiyada (CV kooban, codsiga, iyo script) waxaa lagu soo dirayaa emailka: [email protected]
Codsigi waa in uu soo gudbiyaa ka hor 26ka Jannaayo-2025, saacadda 11:59 pm