Marka laga hadlayo siyaasadda iyo haweenka Soomaalida, ma fududa in haweeney ama gabari guul la taaban karo ka gaarto siyaasadda dalkaan. In ka badan 60 sano oo dalku xornimo haystey, haweenku waxay wajahayeen caqabado tiro beel ah oo ka imanaya bulshada ay ku dhex nool yihiin, caqabadahaas oo la xiriira dhaqanka, iyo wacyiga bulshada iyagoo la kulma hadalo badan oo dhaliil iyo niyad jebin ah, inbadan oo ka mida haweenka Soomaaliyeedna waa qabatimeen duruufaha ku xeeran oo waxay meel iska dhigeen hankoodii in ay qayb ka noqdaan hoggaanka dalka.
Waxaase jira haween fara ku tiris ah oo u dhabar adayga sidii ay uga mira dhalin lahaayeen hankooda siyaasadeed iyo halganka ay ugu jiraan ka qaygalka siyaasadda. Waxaa haweenka aan niyad jabin ka mida Sacdiyo Yaasiin Xaaji, waa siyaasiyad halgan usoo martay hanashada hadafyadeeda siyaasadeed, waxay kaga duwantahay haweenka kale ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed inaysan marnaba ka tanaasulin rabitaankeeda siyaasadeed.
Sacdiyo waxay ka mid ahayd dadkii tegey oo degay qurbaha, waxayse dib ugu soo laabatay dalka si ay uga miradhaliso hamigeeda siyaasadeed ee u adeegidda bulshada.Saciyo waxay in badan horay ugu qareemi jirta xuquuqul insaanka gaar ahaan u qareemida bulshada inteeda nugul, Sacdiyo waxa ay u hadli jirtey dadka aan lahayn meteladaada siyaasadeed ee uu badan qabiillada laga tira badan yahay ee Soomaaliyeed. Sacdiyo marka laga yimaado inay tahay siyaasiyad, waa hooyo iyo barbaariso.
Sacdiyo markii ugu horreyasay 2016kii ayay ka mid noqotay baarlamaanka dalka iyada oo metelaysa beesheeda, waxayna ka mid noqotay tiro haween ah oo ku guuleystey ka qayb noqoshada golaha oo aanay haweenku tiro badan ka ahayn. Sacdiyo waxaa ay noqotay xildhibaan firfircoon golaha dhexdiisa oo mar walba doodeheeda siyaasiga ka soo gudbin jirtay golaha dhexdiisa. Sacdiyo waxa ay ka mid ahayd sidoo kale xildhibaano dhaliili jirey xukuumaddii markaas jirtey, iyada oo u arkaysay in wax badan oo sharciyada waddanka ah lagu tuntay ayna tahay in saxo la islana xisaabtamo.
Shan sano kadib markii ay ku biirtay golaha shacabka, Sacdiyo oo maanka ku haysa aaminsanaydna inay qayb ka noqon karto isbedel togan oo dalka ka dhaca, waxay mar kale fursad u heshay inay noqoto xildhibaan iyadoo dib loogu soo doortay in ay afar sano oo kale ka mid ahaato Golaha Shacabka ee Dowladda Federaaalka ee Soomaaliya. Dib u doorashadeeda Xildhibaan Sacdiyo waxay fursad u siisay in ay u tartanto hoggaanka golaha taas oo ay muddo ku hammiyaysay waxayna dedaal dheer u gashay arrintaas.
Riyadaasi waa rumowdey 28ka April 2022 oo golaha Shacabku ay Xil. Sacdiyo u doorteen Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha. Dadaalkii Sacdiyo iyo isku daygeedi waa mira dhalay, maantana waa maalin ka duwan maalmahii hore, waa maalin ay sugeysey in muddo ah, keligeedna kuma ahan sugitaankaas ee guusheedu waxa ay yididiidlo hor leh ku abuuraysaa haweenka Soomaaliyeed oo ah lafdhabarta iyo bulshada iyo badbaadiyayaashii dalka xilliyadii adkaa, laakiin laga soomiyey ka qayb galka iyo wax ku yeelashada talada iyo siyaasadda dalka.
Hambalyada tirabeelka ee tooska u soo gaaraysay iyo midda hawada loo soo marinayay ka sokow, dadku waxay muujinayeen muhimadda dhacdadan u leedahay haweenka Soomaaliyeed iyo ka qaybgalkooda siyaasadda dalka. Walow masuuliyad iyo culeys uu u kordhay Xil. Sacdiyo, haddana guud ahaan dadku waa ay ku farxeen si gaar ah haweenka oo si weyn u soo dhoweeyay guushan una dabbaal degay, waxayna dareemayaan inay tahay bog cusub oo uga furmay ka qaygalka siyaasadda ee haweenka Soomaaliyeed.
Sacdiyo doorashadeeda ka dib ayay la hadashay idaacadda VOA qaybta Af-Soomaaliga “Markii la iigu hambalyeeyey inaan ahay haweenaydii ugu horreysey ee booskaan timaada, waxaan xasuustay inay jireen haddana jiraan haween Soomaaliyeed oo soo halgamay, hawsha ay dalka iyo dadka u qabtaanna ka badan tan ay qabtaan ragga siyaasiyiinta oo haddana aan intaas oo sano ka mid noqon hoggaanka sare ee golaha, sidaas darted xilkaan iyo kuwo ka sarreeyaba waxay ahayd in haweenku mar hore qabtaan”.
Shaqo walba oo la qabanayo iyo yool walba oo qof rabo inuu gaaro waxaa ku gedaaman caqabado aan yarayn, una baahan dhabar adayg iyo in la wajaho. Marka laga reebo caqabaha guud ee ay la wadaagto haweenka siyaasiyiinta ah, Sacdiyo mar ay ka hadashay caqabadaha ay xusi karto intii ay halganka ku jirtey waxay sheegtay “Doonistii booskaani wuxuu ahaa mid aad iyo aad iigu adag, xildhibaano badani waa ila yaabayeen markii aan dhaho codkiinna ayaan rabaa, qaarkood waxa ay ii arkayeen inaan riyo ku jiro, iyagoo igu lahaa haddaan hadda codkayaga ku siinno xaggee gaaraysaa”.
Sacdiyo oo ay doorteen Golaha Shacabka oo ka kooban 275 xubnood, waxay aaminsantahay inkastoo ay haweeney tahay, haddana in ay si siman ugu adeegayso shacabka ay qaybihiisa kala duwan. “Raggu waa aabbe, walaal, wiilashayda iyo ehelba, marna dhici mayso inaan u eego sida ay iyagu haween ahaan noo eegaan ama noo liidaan, dhammaan shacabkaygu waa u simanyihiin in aan u adeego” ayay Sacdiyo sii raacisay.
Sacdiyo waa ay ku baraarugsan tahay baahida haweenku u qabaan inay qayb ka noqdaan hoggaanka dalka, oo waxay ku hanweyn tahay inay door ku yeelato in la helo haween badan oo qayb ka noqda go’aan gaarista dalka iyaga oo metelaya guud ahaan bulshada gaar ahaanna haweenka iyo dadka nugu. Guddoomiye Sacdiyo waxay doonaysaa in ay mansabkaan ku hirgeliso isbedel lagu la saxayo caddaalad darrooyinkii muddada dheer ay arkaysay ee ka jirey siyaasadda dalka iyo in ay ugu qareento bulshada dhibka haysto si gaar ahna dadka aan lahayn metelaad siyaasi ah.
Guddoomiye Sacdiyo waxay tusaale ugu tahay haweenka hanka ka leh siyaasadda dalka in intii ay ku jirtay halgankeeda siyaasadeed ay muujisay karti, ka go’naansho, metelaad, iyo abuuritaanka xulufo siyaasadeed taas oo u suurtogelisay in ay ku guuleysto heerkii ugu sarreeyay ee haweenka Soomaaliyeed ka gaaraan hoggaanka Golaha Shacabka.